Saturday, June 28, 2025

Wasiiradii kuraastii xildhibaanimadooda la laayay oo mar kale dib loo dooranayo [Akhriso]

Afar ka mida shan kursi oo ay laaleen Madasha Qaran iyo Guddigii xalinta khilafaadka Doorashooyinka ayaa maanta doorashadoodu ka dhaceysaa goobo kala duwan.

Kursigii ugu horeeyay ayaa dib u doorashadiisa ay ka dhacday magaalada Garowe, iyadoo mar kale lagu doortay xildhibaankii la laalay doorashadiisa Cabdi Maxamuud Maxamed. Madasha Qaran ayaa ogolaatay in xubnihii loo diiday inay ka qeybgalaan doorashada ay u dib ugu tartami karaan.

KISMAAYO

Kursi ay leedahay Doqondiide ee Gaaljecel ayaa waxaa ku tartamaya Wasiirka Betroolka Maxamed Mukhtaar iyo musharax C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir.

Guddiga Doorashada xubno ka socday ayaa tegay Kismaayo si ay u qabanqaabiyaan doorashada, waxaana wararka laga helayo magaaladaasi ay sheegayaan inuu ku soo bixi doono wasiirka.

BAYDHABA

Doorashada kursi oo ay leedahay Beesha Macalinweyne oo la laalay ayaa ka dhaceysa magaalada Baydhaba, iyadoo ay ku loolamayaan Xaliima Maxamed Cabdi, Sheekh Shaacir  Maxamed oo ahaa ninkii hore ugu guuleystay iyo Mukhtar Hassan Yarow.

MUQDISHO

Kursiga ugu muranka badnaa ee gacan ka hadalka dhaliyay ayaa magaalada Cadaado ayaa loo wareejiyay Muqdisho, waxaana dib ugu tartamaya C/qaadir Gaafow Maxamed iyo laba musharax oo kale.

Maalin ka hor ayaa magaalada Garowe waxaa lagu doortay doorashada kursi Beesha Ugaar oo mar kale dib loogu doortay Cabdi Maxamuud Maxamed.

JOWHAR

Kursi kale oo dhaliyay iska hor imaad iyo dhiig ku daatay magaalada Jowhar, kaasoo ahaa kursiga beesha beesha Jidle ee Wasiirkii Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux ku soo baxay ayaa wararku sheegayaan in Muqdisho loo wareejin doono.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON