Warbaahinta dowladda ayaa baahisay Warr uu ku saxiixan yahay Wasiirka Amnig Xukuumadda xilka sii heysa Xasan Xundubey Jimcaale oo lagu sheegay in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen maleeshiyo weerar kuso qaaday.
Qoraalka Wasiirka Amniga ku saxiinaa ayaa u qoranaa sida soo socota:
Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.
Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.
Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa. Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida.
Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa.Wasiirka Amniga Gudaha”
