Friday, June 27, 2025

Wasiirka Amniga oo amaan & bogaadin kala dul dhacay maamulka Hotelkii la weeraray ee Dayax

Wasiirka Amniga xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed  oo ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay maamulka Hotelka Dayax.

Wasiirka oo hadlayay kadib markii la soo afjaray weerarkii ay Alshabaab ku qaaday hotelka Dayax, kana mid ahaa mas’uuliyiinta dowladda ee goobta tagtay ayaa sheegay in ilaalada Hotelka ay awoodeen inay iska caabiyeen  maleeshiyadii weerarka ku soo qaaday kuwaasoo u diiday inay gudaha u galaan Hotelka, sida uu yiri Wasiirka.

Qasaaraha hordhaca ah ee weerarka Hotel Dayax ayuu sheegay wasiirka Amniga inay ku dhinteen 10 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 51 kale.

Wasiir C/risaaq ayaa looga bartay inuu waajibaadkii loo xilsaaray isaga iyo ciidamada hoos taga uu marna ku eedeeyo marka ku amaano dad kale, sida ilaalada hoteelada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa tegay hotelka markii qarax koowaad dhacay, waxaana hotelka rasaas ka socotay muddo laba saacadood ah iyadoo markii dambe la dilay dableygii ugu danbeeyay ee weerarka ku qaaday hotelka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON