Saturday, August 2, 2025

Wasiirka Amniga oo Dhuusamareeb u tegay xalinta shaqaaqo dhex martay laba ciidan, kana hadlay.. [Sawirro]

Wasiirka amniga xukuumaddaSoomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) oo magaalada Dhuusamareeb u tegay xalinta khilaaf keenay gacan ka hadal oo dhex maray ciidamada amniga iyo maleeshiyo ayaa kulan la yeeshay saraakiisha amniga magaaladaasi.

Kulanka Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Amniga Galmudug ayaa looga hadlay xaalada amniga Dhuusamareeb iyo shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaalada, siiba xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee Shiirkole, kulanka kadib ayuu wasiir Islow sheegay inuu dhowaan furmayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, isagoo ka hadlay howlgal lagu soo qabtay xubno ka tirsan Alshabaab oo ka dhacay degaanka Camaara.

Saraakiisha ayaa wasiirka uga war bixiyay sida ay u wadaan amni sugidda caasimadda iyo howl-gallo kale oo ay ka sameeyeen deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

Wasiirka amniga gudaha ayaa ciidanka ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan waxa uuna ku boorriyay in ay sii wadaan si loogu guuleyso dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug, dhammaan reer Galmudug ayuuna ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan shirka dib-u-heshiisiinta ayna dhistaas maamul ay u dhanyihiin oo danahooda ka shaqeeya.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON