Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa faragelin ku sameeyay xiisad ka dhalatay nin oday ah oo saaka lagu dilay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Dilka odayga ayaa la sheegay inuu geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Kaaraan, kaasoo toogasho ku dilay odayga waayeelka ah ee u socday Masjidka salaadii subax.
Dad ka careysan dilka odayga ayaa xiray agagaarka xarunta degmada Kaaraan iyagoo bannaanbax dhigay, isla markaana waxay ehelka ninka odayga ah diideen inay aasaan, inta laga keenayo askarigii dilka gesytay; taasoo xaalad kacan ka dhalisay halkaasi oo meydku yaallay in ku dhow 7 saacadood.
Wasiirka Amniga ayaa la sheegay inuu balanqaaday in askariga dilka geystay oo baxsaday sharciga la horgeyn doono, waxaana la sheegay inuu ehelka odayga la dilay u damaanad qaaday arrintan, iyadoo markaas kadib ay qaateen meydkii si loo aaso.