Wasiirka Amniga Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada
qarxyadii Mattaanaha ahaa ee lala beegsaday xarunta UNSOM ee Muqdisho ay gaarayaan 13 qof.
Wasiirka ayaan faahfaahin ka bixin dadka dhintay, laakiin wuxuu sheegay in dhaawacu yahay 5 ruux. Warar kale ayaa sheegaya in weerarada dadka ku dhintay ay u badan yihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee UN-ka ka jooga Soomaalida oo ilaalo ka ah xarunta Peace Vilage ee UN-ku degan yahay. Waxaana tirada dhimashada ciidamada lagu sheegay 12 askari oo 9 ka mida ay yihiin kuwa UN-ka, halka 3 kale ka tirsan yihiin AMISOM.
Weriyeyaal tegay Isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho ayaa soo sheegay in dhaawacyo gaaraya 17 qof la geeyay Isbitaalkaasi. Dhaawacyada ayaa qaarkood la sheegay inay culus yihiin, waxaa kaloo isbitaalka la geeyay laba qof oo meyd ahaa.
Qaraxyada lagu weeraray waxay ahaayeen labo mataano ah oo lala beegsaday afaafka hore ee #MADINAGATE dhimashadu waa #13 dhaawacuna waa #5
— INTERNAL SECURITY MN (@MoIS_Somalia) July 26, 2016
Goobjooge.com