Afhayeenkii Wasaaradda Amniga xukuuamadda Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa xilkii laga qaaday, kadib hadallo kasoo yeeray oo uu ku weerarray madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa xilkii ka xayuubiyey Afhayeenkii Wasaaradda amniga, waxaana qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in warqada xilka qaadista Afhayeenkii Wasaaradda amniga ay soo baxday 5-tii bishan July, balse aan la shaacin.
Afhayeenka xilka laga qaaday ee C/casiis (Xildhibaan) ayaa isagu sheegay inay been tahay in xilka qaadistiisa ay soo baxday 5-tii bishan July, wuxuuna ku dooday inuu isaga Wasiirka amniga u gudbiyay iscasilaadiisa 7-dii bishan oo beegneyd maalinkii uu dhacay weerarkii Otto Otto.
“Anigoo ka jawaabaya qoraal uu isoo gaarsiiyay Xogheynta Wasiirka Amniga oo ku saabsan qoraal la been abuuray inuu soo baxay 5-tii bishan July in la iga qaaday xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, waxaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inaan xilkaas iska casilay 7-dii bishan, kaddib markii weerarka lagu soo qaaday Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga”. Ayuu ku yiri C/casiis Xildhibaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.
Wararka laga helayo Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in Wasirka iyo Afhayeenka uu xiriirkoodu ahaa mid aad u xun oo in muddo ah uu soo jiitamayey iyadoo markii hore afhayeenka uu kasoo galay wasaaradda dhinaca Madaxtooyada.