Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa kulan gaarka yeeshay xaaladda weerarkii lagu dilay 9 qof oo lagu kacay dad u badnaa haween oo howl nadaafadeed ka waday degaanka Xaawo-Cabdi ee Afgooye.
Shir jaraa’id oo xalay xilli dambe ay ku qabteen xarunta CID-da ayuu shaaciyey Taliyaha hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise baaritaan xoog leh uu socdo, iyadoo dadka lagu dilay Xaawo Cabdi ay gaarayaan 9 qof.
Wuxuu intaas ku daray in Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamada Booliska ay ka shireen sidii tallaabo looga qaaadi lahaa raggii ka danbeeyay dilkii haweenka nadaafadda oo 8 ka mida ay goobta ku dhimatay iyadoo qof kale uu dhaawacii soo gaatay u dhintay.
Ciidamada Amniga dowladda Somalia ayaa culeys weyn kasoo wajahay arrimaha amniga iyadoo dilalka qorsheysan iyo kuwa dadka badan lagu laayo aysan awoodin inay ka hortagaan ama ka daba tagaan.
Dadka degaanka ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay wax tallaabo ah ka qaadin iyadoo u dhowaa goobta uu falkaasi ka dhacay oo laba bar oo ciidamo joogaan dhexdooda ahayd.