Saturday, October 11, 2025

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo kormeer ku tegay Degmada Balcad [Sawirro]

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale kormeer dhulka ah ku tegey degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiirka Amniga oo ay la socdeen  xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka iyo siyaasiyiin ayaa lagu soodhoweeyay degmada Balcad, waxaana soo dhoweynta horkacayey guddomiyaha degmada Balcad ee maamulka Hirshabeelle Qaasim Cali Nuur, iyagoo lakulmay qeybaha bulshada.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay inuu u kuurgalayo xaalada amni iyo mida baahi ee shacabka Balcad. “Looma dulqaadan karo weerarada Al-shabaab ee ku soo laalaabtay wadada isku xirta degmada Balcad iyo magaalada Jowhar, waxaana naga go’aan inaan ka sifeyno degaankan..” ayuu yiri Wasiirka Amniga oo sheegay inuu socdo qorshe amniga lagu soo celinayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON