Tuesday, December 10, 2019
More

    Wasiirka Ar. dibadd Kenya: “Madaxweyne Farmajo wuxuu caddeeyay in dacwadda ICJ lagu xalin doono si ay…”

    Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya uu caddeeyay kalsoonida uu ku qabo in arrinta dacwadd Badda ee Maxkamadda ICJ lagu xalin doono si la isla ogol yahay oo aan dhaawici doonin xiriirka labada dal.

    Arrintan ayaa timid iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiiradiisa ay booqdeen hotelka uu madaxweyne Farmaajo ka degan yahay magaalada Nairobi, isla markaana ay halkaas ku yeesheen wadahadal heer madaxweyne ah, waxayn Madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in kulanla looga hadlay xiriirka labada dal.

    Ad

    “Madaxweynaha Soomalaiya wuxuu caddeeyay sida uu ugu mahadcelinayo kaalinta ay Kenya ku leedahay AMISOM, sida ay u soo dhoweysay qaxootiga Soomaalida.. wuxuu kaloo caddeeyay kalsoonida uu ku qabo in arrinta ICJ lagu xalin doono si labada dhinac ay wada ogol yihiin oo aan saameyn ku yeelaynin xiriirka labada dal..” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo qoraal ku qortay boggeeda twiterka.

    Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhinaceeda arrintan ka tiri sida soo socota: “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab…”

    Hore ayaa loo saadaalinayey inuu jiro heshiis hoose oo labada dal laga dhex wado, kaasoo ay ku lug leeyihiin dalal uu Mareykanku ka mid yahay, waxaana socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Kenya oo markii hore lagu sheegay ka qeybgalka shirkii Dadweynaha iyo horumarka ee Q/Midoobay hadda caddaatay in arrintan ay ku hoos jirtay oo ka muhiimsaneyd.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    131,570FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,592FollowersFollow
    131,570FansLike
    1,344FollowersFollow
    3,592FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!