Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa jab siyaasadeed kala kulmay magaalada Kismaayo kadib markii uu tegay 10-kii Bishan isagoo ka hor maray madaxda sare dowladda Soomaaliya.
Wasiirka teer Itoobiya oo saaxiib gaara la ah maamulka Jubba iyo Axmed Madoobe ayaa bah-dil kala kulmay madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqsaday inuu tago magaalada Kismaayo intii uu wasiirka reer Itoobiya ku sugnaa, taasoo keentay in wasiirku isaga tago magaalada Kismaayo isagoo aanay u suuragalin inuu soo dhoweyn dowladeed helo ama shirkii uu halkaasi u tegay uu furmo.
Tedros Adhanom ayaa ka huleelay Kismaayo iyadoo weliba aan la shaacin inuu ka tegay magaalada iyo in kale, waxayna tani ahayd weji gabaxii siyaasadeed ee ku dhaca muddooyinkan danbe. Khaladka siyaasadeed ee Wasiirka Itoobiya ayaa ahaa inuu caashaqay magaalada Kismaayo oo uu tago xaflad kasta oo lagu qabto, isagoo aan eegin darajadiisa diblomaasiyadeed.
Lama huba in madaxweyne Xasan Sheekh ugu talogalay arrintan iyo inay isku soo beegantay xaalado kale oo heystay isaga, laakiin si kasta oo wax u dhaceen waxaa cad in Dr. Tedros Adhanom uu markan dhex fariistay ceeb siyaasadeed oo dib danbe uga fekeri doono.
Waxaa caado u ahayd madaxda dalalka jaarka ah sida Itoobiya iyo Kenya inay tagaan gobollada Soomaaliya, iyagoo aan wax ogeysiin iyo la-tashi ah la sameyn xukuumadda Soomaaliya.
Goobjooge.com