Sunday, June 22, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo War Cad kasoo saaray Arrinta Fahad Yaasiin iyo Diyaaradii siday..

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa war kasoo saaray xaaladda diyaarad juu la socdya agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo ku xayirantay Jabuuti iyo eedeyn uga timid madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Duulimaadkii Turkish Airlines ee maanta oo qorshuhu ahaa in ay Muqdisho tagto aysan ka duulin Jabuuti, sababo la xiriira cillado farsamo sida ay shirkaddu sheegtay.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa caddeeyay in rakaabkii saarnaa diyaaraddii maanta ee Turkish Airlines ay dib ugu laaban doonaan Istanbul si ay mar kale ugu duullaan magaalada Muqdisho.

Ad

“Waxaa jira warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu doonayo in lagu abuuro jahawareer iyo in Jabuuti lugaha loo geliyo khilaafaadka iyo dhibaatooyinka ka taagan gudaha ee Soomaaliya” ayuu yiri Wsiirka Arrimaha dibadda jabuuti si beeniyay war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu ku adkeystay inay Jabtuuti sii wadi doonto inay garab istaagaan walaallahood Soomaaliyeed, balse aanay marnaba ma faragelin ku sameyneynin arrimahooda gudaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON