Tuesday, June 24, 2025

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo Qarxisay Wadahadal ku saabsan Xuduudka Badda oo u socda Somalia & Kenya

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa qarxisay war ku saabsan inuu wadahadal meel fiican maraya u dhaxeeyo dowladda Kenya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan muranka Xuduudka Badda ee labada dal oo hadda yaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma  la weydiiyay xaaladda Badweynta India iyo khilaafka xuduudka Badda ee Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya oo gaaray Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayay sheegtay inuu jiro ururka IGAD oo xalin kara dhibaatooyinka dalalka ka dhex jira, isla markaana dowladda Soomaaliya ay kala saxiixdeen is-afgarad [MOU].

“Dabcan, dal kasta wuxuu xaq u leeyahay tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay Maxkamadda socota.. laakiin Soomaaliya oo aanu si weyn ugu xiran Kenya, waxaan weli raadineynaa dariiqooyin kale. Waxaa wadahadal noo socdaa dowladda, waxaanan rajeynaynaa inaan gaarno heshiis..” ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo wareysi siisay New African Magazine.

Arrintan ayaa shaki la’aan dharbaaxo ku noqon doonta dowladda Soomaaliya oo aan ka hadlin arrinta muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya inta ay xafiiska timid.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON