Wasiirka arrimaha dibadda Norway haweeneyda lagu magacaabo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa maanta socdaal ku timid magaalada Muqdisho iyadoo kulan la yeelatay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre.
Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’siiul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, iyo qaar ka mida golaha wasiirrada xukuumadda Somalia.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo ay hore labada mas’uul kulamo u yeesheen ayaa wuxuu socdaalkan kusoo beegmay iyadoo xiisad ka dhalatay arrimaha shidaalka iyo xuduudka Badda ay u dhaxeyso Somalia iyo Kenya.
Norway ayaa ka mida dalalka ugu horeeya ee sida hoose ugu lugta leh arrimaha shidaalka Somalia, waxaana hadda socda waanwaan laga dhex wado dalalka Kenya iyo Somalia oo aan la shaacin xilli ay soo dhowaatay go’aanka ay dacwadda muranka Xuduudka Badda kasoo saari doonto Maxkamadda Cadaaladda ICJ.




