Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa looga yeeray Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu maanta hortago xildhibaannada Aqalka Sare, waxaana la sheegay in arrintan la xiriirto su’aalo laga weydiinayo waxqabadka Wasaaraddiisa, arrinta maxaabiista Soomaalida ku xiran dalalka dibadda, siiba India iyo arrimo kale.
Yuusuf Garaad ayaa ka mida wasiiro dhowr ah oo xildhibaanada Aqalka Sare ay muddooyinkan danbe u yeerayeen si ay wax uga weydiiyaan arrimo kala duwan oo quseeya waxqabadka xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Oomaar ayaa ugu danbeeyay wasiirada hortegay Aqalka Sare ee su’aalaha badan la weydiiyay.
Goobjooge