Tuesday, June 24, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar: “Somaliya waxaa loo cadaadinayaa xiriirka ay nala leedahay dartiis..”

Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Mohamed Bin Abdirahmah Althani ayaa caawa ka hadlay mowqifka dowladda Qatar ee go’aanadii kasoo baxay shirarkii degdega ahaa ee madaxda Khaliijka, Jaamacadda Carabta iyo dalalka Islaamka ee ka dhacay dalka Sacuudiga, wuxuuna shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday arrimaha Somalia

Wasiirka Arrimaha dibada Qatar ayaa sheegay inay dowladiisa ka aamustay oo aanay raacsaneyn go’aanadii kasoo baxay shir madaxeedyadii ka dhacay magaalada barakeysan ee Maka Almukarama, isagoo sheegay in shirarkaasi aan loo marin nidaamkii saxda ahaa, isla markaana aysan dowladda Qatar taageersaneyn go’aanadaasi.

Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Mohamed Bin Abdirahmah Althani wuxuu soo hadal qaaday arrimaha Somalia, isagoo sheegay in dalalka go’doonka ku haya dalka Qatar (Sacuudiga, Imaaraadka..) ay cadaadis ku saareen dalalka gobolka inay ka hor yimaadaan dalka Qatar, wuxuuna si gaara u xusay Somalia, isagoo yiri: “Somalia waxaa cadaadinayaa xiriirka ay nala leedahay..”.

Shirka jaraa’id ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sidoo wuxuu sidoo kale uga hadlay xaaladda dalka Liibiya, xiriirka Iiraan iyo arrinta Falastiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON