Monday, June 23, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Uganda

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Ugnada, Yoweri Museveni oo sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad maamusha dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in madaxweyne Museveni uu iskiis u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay, wuxuuna difaacay inay Soomaaliya leedahay dowlad. “Anaga si hoose ayaan jawaabteena u gaarsiineynaa isaga, laakiin waxaan rabaa inaan cadeeyo inuu iska hadlay” ayuuna yiri wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowgii sanadkan dalka uga eriday ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay madax bannaanida dalka, balse ma muuqato inay ku dhiiran karto tallaabo laga qaado Madaxweynah Uganda oo ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya.

Ad

HOOS KA AKHRISO WARKII KASOO YEERAY  MADAXWEYNAHA UGANDA

Madaxweyne Musaveni: “Waxaa jira Dalal aan dowlad maamusha lahayn sida Soomaaliya oo kale…”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON