Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa farriin tacsi ah u diray dowladda iyo shacabka Kenya, taasoo ku saabsan macalimiin Kenyaan ah oo Alshabaab ku dishay degaan ka tirsan Garisa, W/Bari Kenya.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo saaxiibada Macalimiintii Kenyaanka ahaa ee aan waxba galabsan ee lagu dilay weerarkii fulaynimo ee Kamuthe, degaanka Faafi. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan si xoog leh u cambaareynayaa weerarkaas naxariis darrada ah ee lagu bartilmaameedsaday macalimiinta iyo ardayda.. Argagixisadu way dhaceysaa” ayuu farriintiisa tacsida ahaa ku yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Booliska Kenya ayaa sheegay in dabley ka tirsan Al-Shabaab ay maanta saddex macallin ku dileen dugsi hoose oo ku yaalla bariga dalkaas. Waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay macallin afaraad iyo qof ilaalo ahaa.
Kooxda weerarka fulisay ayaa sii daayey kalkaaliso caafimaad, sababtuna ay tahay inay ahayd haween. Al-Shabaab ayaa bayaan ay goor dambe soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.