Wednesday, June 25, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle oo lagu eedeeyay Musuq ka jira Gargaarkii Fatahaadda

Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa lagu eedeeyay inuu leeyahay mas’uuliyadda gargaarka loogu talogalay dadka ku waxyeeloobay fatahaadda Gobollada Hiiraan & Sh/dhexe, iyadoo ay soo baxeen inaan degmooyinka qaar la gaarsiin lacagihii loo qoondeeyay.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in la musuqmaasuqay Lacag Kumanaan doolar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadihii wabiga Shabeelle ee deegaanada Hirshabeelle sida degmooyinka Buuloburte, Mahadaay iyo Jalalaqsi, halka degmada Balcad aan weli waxba gaarin.

Xildhibaanka oo u warramay mid ka mida idaacadaha Muqdisho  ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle uu madax ka yahay guddiga gurmadka isla markaana ay kula xisaabtami doonaan wixii musuq ah ee lagu sameeyo gargaarkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON