Tuesday, June 24, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo yimid Muqdisho & Madaxweynaha Kenya oo u xilsaaray wadahadal..

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiangi iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd ka degay Garoonka Diyaaradhada magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ay garoonka kusoo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa la geeyay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sheegay in farriin uu ka sido Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu gaarsiinayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi oo farriin soo dhigay bartiisa twitter-ka intii aanu u so duulin ayaa sheegay kadib dhibaatadii dhinaca Amniga ee xuduudka Somalia iyo Kenya inuu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta u diray wafdi ka kooban isaga iyo saraakiil sare inay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya, si xal loogu raadinayo xaaladda ka taagan xuduudka labada dal.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu haatan wafdiga Kenya oo ka kooban 5 xubnood uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON