Wararka laga helayo magaalada Guriceel ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdo diyaargarow lagu soo dhoweynayo wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Waxaa Guriceel gaaray ciidamada ilaalada madaxweynaha, kuwa AMISOM ee Jabuuti, wufuud hordhac ah oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxda maamulka Galmudug.
Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay galabta gaaraan degaanka Guriceel oo ka mida goobaha ugu waaweyn ee ganacsiga Gobolalda Dhexe, waxaana xaflad sagootin ah madaxweynaha uga socotaa magaalada Dhuusamareeb oo maalmihii ugu danbeeyay uu ku sugnaa.
Dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiin ayaa ku sugan wadooyinka magaalada Guriceel, waxaana lasoo dhameystiray abaabulka soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya.