Monday, June 23, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Magaalada Baydhaba ka bilaabay xalinta khilaafka Madaxda Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu soo waramaya inuu bilaabay dadaalo uu ku bad baadinaayo aayaha maamulka Gal-Mudug oo sanad gudihiis lugaha la galay khilaafkii labbaad.

Gal-Mudug ayaa wajaheysa xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysa madaxda sare ee maamulka. Khilaafka taagan ayaa ka dhashay qaabkii loo fuliyay heshiiskii lala galay Ahlu Sunna, iyadoo madaxweyne kuxigeenka Gal-Mudug iyo gudoomiyaha Baarlamanku ay sheegeen in la baalmaray awood qeybsigii beelaha iyo in la badalay dastuurkii maamulka Gal-Mudug.

Wasiir Sabriye oo magaalada Baydhaba ku sugan ayaa la sheegay inuu kulan qaas ah la qaatay madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Maxamed Shaakir oo iyaguna halkaa ku sugan, isagoo u bandhigay in Gal-Mudug ay u baahan tahay isu tanaasul iyo is qancin si meesha ay joogto horey looga qaado. Wuxuu labbada nin u jeediyay in Dowlada dhexe ay xooga saari doonto midnimada Gal-Mudug.

Ad

Ilo ku dhow dhow wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in sidoo kale uu wasiirku teleefoonka kula hadlay madaxda Gal-Mudug ee gadoodka ku joogta magaalada Cadaado isagoo u sheegay in jiritaanka Gal-Mudug oo mid ah, ay muhiim u tahay nidaamka Federaalka iyo midka doorashooyinka 2020ka.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa labbada dhinac ka codsaday iney joojiyaan hadalada ay warbaahinta isu marinayaan taas oo dhaawaceysa qorshaha xal u raadinta xiisada ka taagan Gal-Mudug, wuxuuna kula dar daarmay iney eegaan masuuliyada ka saaran dadka iyo deegaanka.

Bulshada reer Gal-Mudug ayaa ka walaacsan khilaafka soo noq noqday ee madaxda sare, kaas oo dib u dhigay howlihii iyo horey u socodkii maamulka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON