Thursday, June 26, 2025

Wasiirka Arrrimaha Dibadda Somalia oo ka hadlay shaqo joojinta lagu sameeyay ku xigeenkiisa [Akhriso]

Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay shaqo joojin lagu sameeyay ku xigeenkiisa Mukhtaar Mahad Daa’uud isagoo sheegay inay shaqo joojinta ay tahay mid kaliya ku saabsan in uu baaritaanka ku socdo.

Wasiir Cawad ayaa faahfaahin ka bixiyey wareegtada Ra’iisal wasaaraha uu yahay inta baaritaanku socdo shaqada laga joojiyo Wasiir ku xigeenka la eedeeyay, islamarkaana ay caadi tahay in marka qofka baaritaan ku socdo uu shaqada joojiyo.

Wasiirka oo u warramay mid ka mid idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan shaqadii wasaaradda arrimaha dibadda arrinta loo heyso wasiir ku xigeenka.

“Ra’iisal wasaaruhu wuxuu amray in mudada baaritaanku socdo in wasiir ku xigeenku shaqada joojiyo. waa arrin caadi ah in inta baaritaanku socdo shaqada joojiyo, sidaas weeyne amarka uu so saaray Ra’iisal wasaaraha..” ayuu yiri Wasiir Cawad oo sheegay in baaritaanka ay u taallo ciddii soo eedeysay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON