Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Ethiopia ayaa kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Wasiir Ahmed Isse Awad ayaa kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal.
Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
Waxaa lagu wadaa in bisha March, 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan Guddi heer wasiir ah oo qaadaa-dhiga waxyaabo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.