Thursday, June 26, 2025

Wasiirka Difaaca oo la weydiiyey inay Ciidamada Mareykanka Dib loogu celinayo Soomaaliya..?


Wasiirka Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Maraykanku uu haatan ka amni badan yahay sida uu ahaa 20 sano ka hor, markii ay dhaceen weerarradii argagixiso ee September 11, 2001-dii kuwaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3000 kun oo qof.

Lloyd Austin ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ayaa wax laga weydiiyay howlagallada argagixiso la dirirka ee Maraykanku uu ka wado dalalka dunida, iyo haddii Maraykanku uu mar kale ciidamo u dirayo Soomaaliya?.

Wuxuu sheegay inuusan dooneynin inuu shaaciyo ciidamo meel loo dirayo, laakiin wuxuu Caddeeyay inay Soomaaliya ka jirto dhaqdhaqaaq argagixiso ah, iyadoo dalalka burburka dowladnimo ka jiro ama dowladoodu jilicsan tahay ay argagixisada ku xoogeystaan.

Wuxuu soo hadal Afrika oo ay ka jiraan ururro argagixso oo ka howlgala, sida Soomaaliya oo lagu arkayo dhaqdhaqaaqyada argagxisada, laakiin aanu diyaar u ahayn inuu faahfaahin kale bixiyo.

Maamulkii madaxweyne Joe Biden ayaa Soomaaliya ka saaray ciidamadii Mareykanka ee tiradooda lagu sheegay 500 askari, kuwaasoo ka howlgalayay bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo la geeyay dalalka Krenya iyo Jabuuti.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON