Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Gaashaadhigga oo ka hadlay War lagu sheegay inuu iska casilay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Kheyre

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) ayaa oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa beeniyay inuu xilka iska casilay.

Wasiirka ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyey baraha bulshada ku xiriirto oo sheegayey inuu xilka iska casilay, wuxuuna yiri: “Ma jiro inaan is casilay, go’aanka iyo casilaada qofka ayey ka timaadaa, isma casilin, Xukuumadda aan ka tirsanahay ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre hoggaaminayo iskama casili doono”.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa wasiirka si toos ah u soo gelisay barteeda Facebook, iyadoo ka wareysaneysa inuu is casilay iyo inkale.

Waxaa maanta is casilay Wasiirkii Howlaha Guud ee xukuumadda C/fataax Ibraahim Geesey oo is-casilaadiisa sabab uga dhigay faragelinta ay dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada K/Galbeed iyo Xariga Mukhtaar Roobow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON