Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Ganacsiga oo lagu celiyey Heshiis Sharci uu geeyay Baarlamaanka & Xildhibaan ka dalbaday inuu is-casilo

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib u celiyey sharci uga yimid Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Eng. C/llaahi Cali Xasan, waxayna qaarkood ka dalbadeen wasiirka inuu is casilo.

Sharciga uu wasiirka ganacsiga ka hor akhriyey Baarlamaanka ayaa ah: Heshiiska ka mid noqoshada Hay’adda Damaanadda Maalgashiga Darafyada badan, waxaana xildhibaannada ay su’aalo badan ka keeneen qaabka heshiiskaasi u qoran yahay oo luqad ahaan liidatay iyo qodobadiisa ay ka digeen inuu khatar ku yahay dalka, iyadoo aanay caddeyn arrimo badan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku qabsaday Wasiirka Ganacsiga inuu is casilo, kadib markii uu kasoo daahay Baarlamaanka waqtigii laga rabay Baarlamaanka, wuxuuna ka dalbaday inuu cudurdaarto ama uu is casilo, laakiin wasiirka Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa cudurdaar bixiyey.

Waa sharcigii ugu horeeyay ee wasiirka Ganacsiga uu hor geeyay Baarlamaanka Federaalka, waxaana xildhibaannada ka hor yimid ay heshiiska ku dhaliileen mugdi badan oo ku jira iyo bogaadin loo jeedinayo Bankiga Adduunka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON