Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa amray in la joojiyo dejinta shixnad Shamiinto ah oo laga soo dejin lahaa dekada magaalada Muqdisho.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiir Maareeye ayaa lagu wargeliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Taliyaha hoggaanka Ilaalada canshuuraha iney joojiyaan dejinta Markab taagan Dekeda oo sida Shamiinto, taasoo noqotay markii ugu horeysay wasiir uu fara geliyo arrin noocan oo kale ah.
Sababta joojinta markabkan Shamiintada wada ayuu wasiirku sheegay iney ka dambeysay cabasho ka timid Maamulka Shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Barwaaqo oo ku dacwootay in ganacsato aan ka tirsaneyn shirkadaas ay keensadeen shamiinto wadata Magacii iyo astaantii Shirkadooda, ayna kala degayaan Markab taagan dekadda Muqdisho oo lagu Magacaabo M/V Captain.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu amray joojinta dejinka Shamiindadaas illaa amar dambe, waxaana ganacsatada wadatada shixnadaas la faray iney sharciga hor yimaadaan kana jawaabaan eedeymaha loo soo jeediyey.