Friday, April 19, 2024

Wasiirka Isgaarsiinta oo diiday inuu xiro 35 website iyo dood kulul oo ka dhacday shirkii Golaha wasiirada

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Guuleed Qaasim Nuur ayaa ka hor yimid in la xiro 35 Website oo xeer ilaalinta Qaranka ay dhowaan amartay xeritaankooda, isagoo shirkii Golaha wasiirada xukuumada ee shalay ka cadeeyay inuusan qoraal xeer ilaaliye ku xireynin website-yadaasi.

Wasiirka dood kulul oo ka dhacday golaha wasiirada ku adkeystay inuu rabo go’aan sharci ah oo uu ku qaadan karo go’aan noocaasi oo kale ah, balse aanu fulin doonin amarka xeer ilaalinta oo uu ku tilmaamay inuu yahay sharci darro.

Wasiiro fara badan ayaa si weyn u taageeray in la xiro website-yada xeer ilaalinta qoraalka ka soo saartay, waxayna si weyn u eedeeyeen weriye Daahir Calasow oo ay sheegeen inuu leeyahay inta badan website-yadaasi.

Ad

Wasiirka Boostada ayaa ku dooday in xitaa aanu aqbaleynin go’aan golaha wasiirada ka soo baxa, mar haddii arrimaha laga hadlayo u baahan yihiin in sharci loo maro oo maxkamad awood u leh ay go’aan ka gaarto, waxaana shirkii shalay ee golaha wasiirada hareeyay arrintan.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa markii dambe xaalada oo farageliyay isagoo sheegay in arrintasi ay guddi u xil saarayaan ay ka mid  tahay wasaaradda Cadaaladda iyo garyaqaanka guud oo wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta kala shaqeyn doona sidii sharci ahaan loogu xiri lahaa website-yadaasi.

Waxay arrimahan oo dhami dhacayaan iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay hor yaalaan arrimo waaweyn oo u baahan waxqabad sida: dhibaatada Xuduudka Kenya, Fatahaadka webiyada, dagaalada Alshabaab iyo xaaladda ammaanka.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON