Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo soo Bandhigay diiwaangelinta Ciidamada ee ka socota Muqdisho [Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo bandhigay diiwaangelinta ciidamada dowladda oo maanta jicmce ah ka socday magaalada Muqdisho, ayna wadeen shaqaalaha wasaaradda maaliyadda iyo wasaarado kale.

Sawirro uu iska soo qaaday wasiir Beyle ayaa muujiyey askari milateri ah oo la diiwaan gelinayo, iyadoo faro laga qaadayo, waxaana goobta ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

“Maanta maamulka & shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda waxay ay sii wadeen diiwaangelita xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho. Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena si aan adeegno dalkeena..” ayuu yiri wasiir Beyle, inkastoo muuqaaladda ay ahaayeen ciidamo milateri ah.

Hannaanka diiwaangelinta ciidamada qalabka sida ayuu sheegay inuu yahay dadaal wadajira oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaarada.

Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 1 person, sitting and phone

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON