Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ku saabsanaa lacago laha joojiyey dowladda Soomaaliya.
Wasiir Beyle ayaa sheegay inaysan haba yaraaree jirin lacag la siin jiray dowladda oo laga joojiyay, wuxuuna sharaxaad ka bixiyey lacagaha kabka ah ee la siiyey dowladda Soomaaliya, kana yimaada dalalaka kala duwan ee Beesha Caalamka.
“Haba yaraatee ma jiraan.. lacagaha nala siiyo saddex meelood ayey ka yimaadaan: EU-da, African Development Bank iyo World Bank.. Hadda waxaan World Bank ka fileynaa kab kale hore waxay noo siiyeen 100 Milyan… EU-da 100 Milyan waxay na siiyeen 50 Milyan, inta hartayna way nasiinayaan.. Sheekadaa meel laga keenay ma garanayo waa iska mala awaal..” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.
Xasan Kheyre ayaa dhowaan kulan ka dhacay Muqdisho ka sheegay in dalalka deeqda bixiya ay joojiyeen deeqo ay siin jireen Dowladda Soomaaliya arrimaha Doorashada dartood.
