Sunday, July 6, 2025

Wasiirka Maaliyadda Somalia oo markii labaad Dal kale kula shiraya Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda maamul Goboleedyada aayaa maanta shir uga furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyadoo ay tahay markii labaad muddooyinkii danbe oo shirkooda uu ka dhaco dal shisheeye.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in shirka u furmay uu yahay shirkii horumarinta Maaliyadda dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, Maamul ka Gobolka Banaadir iyo Wasaradda Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya. wuxuuna intaas ku daray inay ka wada shaqeynaynaan sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalka.

Shirkan ayaa ka danbeeyay shir kale oo bartamihii Septembar 2019 ay wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaliya iyo wasiirada maaliyadda maamul goboleedyada ku dhex maray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay kala qeyb galeen madax ka socotay Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta IMF.

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor
Image may contain: 4 people, people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON