Sunday, June 22, 2025

Wasiirka Maaliyadda Somalia oo shaaciyey tiro-koob lagu sameeyay Hantida ka maqan Dowlada Somalia

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha deyn cafinta, xaaladda dhaqaalaha dalka iyo tirakoob lagu sameeyay hantida Qaranka.

Wuxuu sheegay inuu weli socdo qorshaha deyn cafinta, ayna dowladdu mareyso imtixaanno kala duwan si deynta looga cafiyo Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray inay tirakoob guud ku sameeyeen hantidii Qaranka ee gacanta dowladda ka maqan oo gaaraya kumanaan, ayna ku wareejin doonaan Guddiga soo celinta hantida Qaranka.

Hantida Qaranka ee la tiro koobay ayaa waxaa ka mida: Xafiisyada, Guryaha, Hotellada, Beeraha, Warshadaha, Hoteelada, Suuqyada, Jardiinooyinka, Dhismaha Safaraadaha dibadda, Suuqyada, Xarumaha Caafimaadka iyo xarunaha ciidamada, wuxuu kaloo sheegay inay tirakoob ku sameeyeen Hantida aan guurtada ah.

Ad

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Daabicidda lacagta shilin Soomaaliga ay dadaalkeeda ku jiraan iyadoo uu sheegay in lacagtii lagu daabici lahaa ay qeyb ahaan hayaan, laakiin ay ka dhiman tahay qeyb kale, taasina ay dib ugu dhacday in la soo daabaco lacagta cusub.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON