Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in xaalad kacsan ay ka taagan tahay magaalada Garowe, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir, kadib markii uu ka degay Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Xasan Maxamed.
Ciidamo ilaalo u noqon lahaa Wasiir Jamaal oo kusii jeeda degaanka Dhahar ayaa laga hor istaagay inay galaan Garoonka Garowe, waxaana la sheegay inay xiisad ka dhex taagan tahay labada ciidan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay socdaan wadahadal iyo waanwaan xaaladda lagu dejinayo, iyadoo dadka Garoonka u tegay inay soo dhoweeyaan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ay xaalad cabsi ah soo wajahday, taasoo ku saabsan inuu iska hor imaad dhex maro labada ciidan.
Wasiir Jamaal ayaa ka mida saaxiibada Maxamed C/llaahi Farmaajo, wuxuuna si weyn mucaarad ugu yahay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo uu dhowr jeer Baraha Bulshada ku dhaliilay.
