Tuesday, July 1, 2025

Wasiirka Shaqada oo fasaxay Shirkadihii shaqada laga joojiyey ee dhoofiya shaqaalaha Soomaalida

Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumdda xilgaarsiinta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa fasaxay dhammaan shirkadaha shatiyada loo siiyey inay xoogsatada Soomaaliyeed dibadda u dhoofin karaan.

Go’aanka Wasiirkan ayaa imaanaya iyadoo muddo bil ka hor uu wasiiru dowlaha Wasaaradda Cabdi Axmed Qaasim uu baab’iyey heshiiskan shirkadaha, isla maalintii la dhaariyey wasiirka cusub, iyadoo shaki badan laga muujiyey tallaabadaasi.

Wasiirka C/wahaab ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu go’aankan qaatay markii uu arkay Saameynta dhaqaale oo ay ku yeelatay shirkadaha shatiyada u heysta shaqo siin dibedeed iyo shaqaalihii loo qaadi lahaa dibedda oo uu dal ku galka (Visa) ka dhacay.

Wuxuuna tixgaliyay cabashada ka timid xoogsatada Soomaaliyeed oo heysta ruqsada shaqo siin dibedeed iyo dal ku galka (visa) si ay ugu dhoofaan ugana shaqeystaan dalalka ay oggalaanshaha shaqo ka heestaan.

Wasiiru Dowle oo joojiyay Heshiisyo ay gashay Wasaarad maanta la dhaariyey Wasiirkeedii

Tallaabooyinka wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda kula macaamilaan shirkadaha gaarka ah iyo heshiisyada ay la galaan ayaa intooda badan kuwo masaalix shaqsiyadeed ka dhex muuqdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON