Friday, June 27, 2025

Wasiirka Warfaafinta Eritrea: “Madaxweyne Farmaajo wuxuu dib u xaqiijiyey inuu ku taagan yahay baaqii Asmara..”

Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea Yemane G. Meskel ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dib u xaqiijyey inay ka go’an tahay fulinta heshiiskii uu la galay Eritrea iyo baaqii wadajirka ahaa ee labada dal ay kasoo saareen magaalada Asmara.

Wasiirka  Yemane G. Meskel oo ku sugan magaalada Asmara ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku yiri: “Madaxweynaha Maxamed ‘Farmaajo’ wuxuu dib u xaqiijiyey in Soomaaliya ay ku taagan tahay baaqii ay saxiixeen labada dal, ayna hoosta ka xariiqayaan qodobadda muhiimka ah iyo sida loo fulinayo”.

Wafdiga maanta tegay magaalada Muqdisho ee ka socda dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wasiirka warfaafinta Eritrea  Yemane G. Meskel uu sheegay inay wafdigu farrriin ka sideen madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON