Monday, July 14, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo loo xil saaray inuu ka hadlo weerarkii Xarunta Wasaaradaha Arr. Gudaha & Amniga

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa loo xilsaaray inuu ka hadlo weerarkii Alshabaab ku qaadeen xarunta  Otto Otto ee Wasaaraha Amniga iyo Arrimaha Gudaha deganaayeen, xilli labadaas wasaaradood ay ka aamuseen dhacdadan gilgishay hay’adaha amniga.

Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay ayaasheegay in gebi ahaanba howlgalkii argagixisada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, oo u dhaw Taallada Sayidka, in la soo afjaray. Wuxuuna intaas ku daray in la laayay dhamaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, isla markaana ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay badbaadiyeen dadkii ku jiray gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaan, iyadoo uu  ka soo reynayay mudooyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaaday sugidda amniga. Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Daahir Geelle oo ku cusub xukuumadda Kheyre, isla markaana hore u ahaa Danjirihii Soomalida ee Sacuudiga ayaa ah nin degan oo af gaaban, lama oga sababta loogu xushay inuu ka hadlo dhacdadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON