Sunday, June 22, 2025

Wasiirka Waxbarashada oo baabi’iyey Kharashaad uu soo rogay maamulka G/Banaadir (Akhriso Qoraal culus)

Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka C/llaahi Abuukar Xaaji (Carab) ayaa baa’bi’iyay kharashaad ay Agaasinka Waxabarashada G/Banaadir uu dhowaan soo saaray, isla markaana uua ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Waxba kama jiraan kasoo qaaday qarashaadka ku xusan liiska Tariifada iu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada G/Banaadir, wuxuuna caddeeyya in Wasaaradda waxbarashada ay mas’uul ka tahay hantida ma guurtada ah ee goobaha waxbarashada sida iskuulada Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkan danbe dagaal guud iyo mid gaara u dhaxeeyay, waxaana hadda mar kale soo shaac baxay arrintan, kadib agaasinka waxbarashada G/banaadir uu qaaday tallaabooyin si weyn looga qeyliyey

Ad

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Isniin-08/11/2021-Muqdisho-Soomaaliya:

Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS oo mudooyinkii danbe ay soo gaarayeen cabashooyin badan oo ka imaanayay hoggaanka Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomaaliyeed, Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Ururka macalimiinta, Ururada bulshada rayidka ah ee u dhaq-dhaqaaqa hormarinta adeegyada waxbarashada iyo Waalidiinta Soomaaliyeed, taaas oo ku aadan qarashaad xad-dhaaf al oo Maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay ardayda, iskuulada iyo adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada, ayadoo la wada-ogsoon yahay duruufaha gaar ka ah ee ay la daalaadhacayeen iyo culayska ay arrinkaani ku sii kordhisay, sidoo kalana ay Madaxwaynaha JFS iyo Ra’iisulWasaaraha Xukuumada JFS, 00 ay soo gaartay qayla-dhaantaan culayska wayn leh, waliba si gaar ah lagu kali yeelay waalidiinta ay caruurtoodu wax ku bartaan iskuuladda ku yaala Gobolka Banaadir, waxaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane Abdullahi Abukar Haji uu soo saaray qodabada soo socda.

- Advertisement -

1. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa uu baa’bi’iyay dhammaan qarashaadka ku xusan liiska Tariifada iu soo gudbiyay Agaasinka Waxabarashada G/Banaadir, uuna ansixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada, taas oo ku lifaaqan warqadan,

2. Ayadoo la tix-raacayo xeerka madaxwaynaha JFS ee ku aadan ku takrifalka iyo musuq maasuqa dhulalka danta guud gaar ahaan goobaha waxbarashada, Wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa ka mas’uul ah hantida ma guurtada ah ee goobaha waxbarashada sida iskuulada, xanaanooyinka iyo xarumala kala duwan ee xafiisyada iyo wakaaladala ee raacsan wasaradda, waxaana cidkasta ka reeban in ay ku tasarufto, sida in la kireeyo ama u badalid adeegyo kale iyadoo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda.

Ugu danbayntii, waxaan aad uga xunahay culayskii iyo jahawareerkii ay abuurtay arrintaan cabashada laga soo gudbiyay, madaxda qarankana ku abuurtay walwalka, taas oo keentay in aan go’aamadaan ka soo saarno, waxaana aad u rajaynayaa in aysan soo laaban mar danbe, Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxaa ka go’an ilaalinta hab-sami u socodka adeegyada waxbarasho dalka iyo horumarintooda, maadama waxbarashadu ka mid tahay xuquqaadka aasaasiga ah oo ay leeyaliin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON