Wasiirkii saddexaad ayaa banneeyay xilkii inuu qabto xilka looga magacaabay Golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle oo muran ka taagan yahay.
Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha Gudaha Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi ayaa ku dhawaaqay in uu ka baxay, iskana casilay xilka uu ku soo qoray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Wuxuu sheegay in inuusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay, isla markaana beeshiisu ka horjeedo inuu xilkaasi qabto, waan wasiiru dowlihii saddexaad ee diida xilalka golaha wasiirada Hirshabeelle ay ka heleen.
Xildhibaanno ka badan 50 ayaa qoray mooshin ay ku diidan yihiin xukuumadda uu soo dhisay Madaxweyne Waare oo cadaadis kala kulmaya beelaha qaarkood oo diidaan qaabka awood qeybsiga.