Sunday, June 22, 2025

Wasiirkii Arrimaha Dibadda oo is-casilay, isuna sharxay Xilka Madaxweynaha Puntland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa iska casilay xilka, isagoo noqday Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland.

Qoraalkiisaa is-casilaadda ayuu u diray Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka wuxuuna ku caddeeyay sababta is-casilaadiisa, isagoo sheegay inuu muddo sanad iyo bar ah oo uu xilkaasi hayey ku shaqeeyay si daacadnimo ah.

“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu qoraalkiisa is casilaadiisa ku yiri yiri mudane Abshir Cumar Jaamac.

Ad

Wasiirka is casilay ayaa u taagan xilka madaxweynaha Puntlandm isagoo kusii jeeda magaalada Garowe, waxayna wararku sheegayaan inuu taageero ka heysto Madaxda Dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON