Wasiirkii hore ee Amniga xukuumadda Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka digay weerarro hor leh oo Alshabaab ay ka geysato magaalada Muqdisho.
oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inay jiro xaalad uu amnigii faraha ka baxay, isla markaana ay jirtay digniin amni oo weli taagan, ayna suuragal tahay in weerarro iyo qaraxyo ay ka dhacaan Muqdisho.
Wuxuu ugu baaqay dadka Muqdisho inay si weyn u faajignaadaan oo ay iska ilaaliyaan meelaha aanay danta weyni ugu jirin ee la isugu yimaado, isagoo sheegay inay digniin Amni ay weli taagan tahay ayna bixiyeen Dalalka Amniga kala shaqeeya Soomaaliya iyo Sirdoonka dalka.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa caddeeyay in Guddiga Amniga Baarlamaanka uu diyaariyey qorshe ku saabsan dayaca ka jira amniga dalka, ayna geyn doonaan Baarlamaanka, haddii Baarlamaanku qaban waayana uu shacabka isagu la wadaagi doono.
Wasiirkii hore ee Amniga wuxuu ka deyriyey qorshaha saldhigyada ciidamada Booliska G/Banaadir loogu magacaabay Dhalinyaradii ka tirsaneyd Nabadsugidii Gobolkan ee la baabi’iyay, kuwaasoo markii shaqo loo waaay lagu safay Saldhigyada Booliska Caasimada, sida uu yiri.
“Taliyayaasha degmooyinka laga dhigay waa isla nabadsugidii, kuwii ayaa Koofiyadii laga bedelay, waxaan rabnaa dowladda inay shacabka Soomalaiyeed ciyaarta ka deyso, booliskii degmooyinka waxey ahaayeen kuwo sharciga yaqaana kana shaqeynayay isku xirka booliska iyo Shacabka” ayuu yiri Xidlhibaan C/risaaq Cumar.
HOOS KA DHAGEYSO