Wasiirkii hore ee Amniga iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ku biiray xildhibaannada iyo dadka sida weyn u dhaliilsan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda amniga kadib weerarkii Otto Otto ee Alshabaab.
Xildhibaanka wuxuu sheegay inaan la aqbali karin in iyadoo magaalada jidadkeeda la soo xiray in baabuur qarax iyo rag hubeysan ay galaan meelihii amniga halbowlaha u aheyd ee dowladda sida xarun ay degan yihiin wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha, isagoo dlabaday in lala xisaabtamo mas’uuliyiinta amniga.
“Tani cadeyneysa inaysan wax macno ah lahayn jid la xiro iyo in dadka isu socodkooda la xayiro” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Amniga oo soo jeediyay in baaritaan lagu sameeyo wixii shalay ka dhacay Muqdisho oo aan laga aamusin, isla markaana ay cid mas’uuliyadeeda qaadato.
“Dhibaatada Soomaalida heysata waxba dhacaya lama baarayo, lagamana daba tagayo, qof kasta in Mas’uuliyadiisa in la saaro loo baahan yahay, intaas meel ayay soo mareen in meesha amniga halbowlaha aheyd in la weeraro waa in cid mas’uuliyadeeda qaadataa..” ayuu yiri C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mida xildhibaannada ku kacsan dowladda ay hoggaamiyaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.
Wuxuu sharci darro ku tilmaamay jiritaanka ciidamada Xasilinta, isagoo sheegay inay dhibaatooyin ay u geysteen dadka shacabka ah, wuxuuna si cad u sheegay in ciidamada xasilinta aan la ogeyn cidda u taliso iyo cid looga dacwoodo, wax sharci ahna aysan ku dhisneyn.
Xildhibaan C/rasaaq Cumar Maxamed ayaa ku dooday in maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ay qaraxyadu ka yaraadeen taasina aysan ku imaan waddooyin la xiray iyo ciidamo la keenay magaalada balse ay ku timid taliska Mareykanka ee ARFICOM oo kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah ee talisku ka geysanayo saldhigyada Shabaabka.