Wednesday, July 23, 2025

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo lagala baxay Hotel uu ka deganaa magaalada Baydhaba

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa heegaya in cidiimo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay caawa muddo saacado ah xireen wasiirkii Wasiirkii Hore ee Gashaandhigga Cabdirashiid Cabullahi Maxamed oo ahaa musharax xildhibaan.

Musharaxa ayaa deganaa Hotelka Horyaal, halkaasoo ugu tageen ciidamo gaara oo kaxeystay, iyadoo aan la ogeyn halka ay la aadeen. Saacado kadib ayaa la sii daayey wasiirka hore, dibna loogu celiyay xoriyadiisa.

Wasiirkii Hore ee Gashaandhigga Cabdirashiid Cabullahi Maxamed ayaa la sheegay inuu saaka tegay magaalada Baydhaba, isgoo rajo ka qaba inuu u tartamo Kursiga HOP187.

Wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka uu hoggaamiyo C/casiis Lafta-gareen, isagoo sidoo kale qaraabo la ah wadaadka u xiran madaxda Dowladda Federaalka ee Mukhtaar Roobow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON