Sunday, July 13, 2025

Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cismaan: “Ma sheegi karo hal sabab oo la igu ceyriyey…”

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan oo xilka uu dhowaan ka qaaday Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka hadlay qaabkii xilka looga qaaday iyo wixii dhex maray Ra’iisal wasaaraha.

Wuxuu sheegay inuu telefoon kusoo wacay ra’isul wasaaraha, oo kala hadaly arrintii uu Jaamacaha ka sheegay, isaguna uu u sharaxay ujeedkiisa siduu ahaa. “Kuma dhihi karo hal sabab ayaa la iigu ceyriyay, waxaa dhici hadalka oo khalad loo arkey, shaqo gudasho la’aan ama cadaadis siyaasadeed oo jirey ama xataa waxaas oo dhan oo is-biirsaday…” ayuu yiri Wasiirka la eryay oo u waramay Idaaacadda Goobjoog.

Mar uu ka hadlay waxa sababay inuu ku dhawaaqo inuusan aqoonsaneyn Jaamacadaha  dalka ak jira ayuu sharaxaad dheeraad ah bixiyey wasiir Cabdiraxmaan Daahir, wuxuuna yiri: “Hadal run ahaa ayaan sheegay. Aan kuu sharaxo, Jaamacad ma aqoonsato wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, ee waxaa aqoonsi siiya hey’adda madaxbannaan oo tacliinta sare iyaga oo hubinaya dhowr arrimood: (1). In Jaamacadda ay leedahay board of directors oo hal qof aaney jeebka ugu jirin, oo aanu markii uu rabo xerin sida ardey kumannaan ah ay waxbarasho la’aan ugu dhacdo. (2).  in ay hubiso tayada macalimiinta, oo midka ugu hooseeya uu heysto Master oo aqoontiisa la sii hormarinayo. (3).  Inay hubiyaan siyaasadda maaliyadeed ee Jaamacadda iyo Manjadka. (4). Iyo Jaamacadda Qalabka leedahay, tusaale ahaan haddii caafimaad ay dhigayan ama Injineerinka, waxaa ay u baahanyihiin qalab….intaas marka la hubiyo aya aqoonsi la bixiyaa. Hadda ma jirto hey’addii, mana jirto qorshe dhow oo arrintaas ah, sidaas ayaan ula jeeday..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON