Wasiirkii Qorsheynta Jubaland Aadan Aw-Xersi ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilkii uu ka haayey maamulkaas.
Qoraalkii is-casilaadiisa ayuu ku sheegay inuusan diyaar u aheyn ka mid ahaanshaha maamul u dabaal-degaya Nin dambiyo ka geystay dalka, kaasoo uu ula jeeday C/rashiid Janan oo ka baxsaday Muqdisho, maantana gaaray magaalada Kismaayo.
“Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii Wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta Jubaland. Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga ayuu yiri” wasiir Aw-Xersi.
Wasiirka is casilay ayaa muddooyinkii aad ugu dhowaa dawladda Soomaaliya, wuxuuna hore u dhaliilay wasiir C/Rashid Janan xilligii lasoo xulayey baarlamaanka Jubbaland ee doorashadii muranka dhalisay Ogost 2019.