Monday, July 7, 2025

Wasiirkii ugu horeeyay oo isu Casilay tartanka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia [Waa kuma..?]

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federalka Soomalaiya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)  ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka uu xukuumadda ka hayey.

Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayuu sheegay C/casiis Lafta Gareen  inuu xilaka isaga casilay, kadib markii uu isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo shardi looga dhigay xildhibaannada wasiirada ah inay marka hore xilalka wasiirnimo banneeyaan.

Wuxuu caddeeyay  inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo isaga tegay xilkii uu ka hayey  xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay xubnaha Wasiirada ah ee isku sharaxaya xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya in laga doonaayo inay xilalkooda iska casilaan, waana wasiirkii ugu horeeyay ee tallaabadan ku dhaqaaqa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON