Saturday, July 5, 2025

Wasiiro iyo Xildhibaanno caan ah oo lagu Amray inay 10 maalmood ku celiyaan Gaadiid Dowladeed oo ay heystaan

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku amray 14 mas’uul inay muddo 10 maalmood ah gacnta dowladda ku celiyaan Gaadiid ay dowladda leedahay oo si shaqsi ah u heystaan.

Xubnahan ayaai sugu jira Wasiiro hadda xilal haya oo wasaarado hore laga wareejiyay, balse gaadiidkooda iska heysta, Wasiiro hore iyo xildhibaanno, waxaana qoraalka Hanti-dhowraha guud uu ka dalbaday mas’uuliyiintan inay muddo toban maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta 12-ka Disembar 2020 ay gaadiidkaasi ku celiyaan Hay’adaha iska leh.

Gaadiidka ayaa isugu jira Gaadiidka aanay xabaddu karin ee bulletProof iyo kuwa kale ee ilaalada madaxda lagu qaado; waana markii ugu horeysay ee xisaabtankan yimaado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON