Sunday, July 13, 2025

Wasiiro ka hortegay C/rasiid Janan iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo la-kulankiisa u tegay Beledxaawo..

Wasiirkii horeee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Beledxaawo, kadib markii ay duleedka magaalada kulan kula yeesheen wasiiru dowlaha aadiidka iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Fahad Yaasiin Xaaji iyo gaara oo amnigiisa sugaya ayaa gaaray Beledxaawo markii ay ka degeen Garoonka diyaarada Doolow, waxaana halkaasi ka bilowday wadahadal dhex maray C/rashiid Janan oo lagu soo afjarayo heshiiska labada dhinac gaareen.

Ciidamada C/rashiid Janan ayaa ku wareegaya dowladda Federaalka, halka C/rashiid Janan lagu wado in saxiixa heshiiska kadin la geeyo magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Doolow maanta ka degtay ilaa saddex duulimaad, waxaana diyaar ku ah diyaaradda soo wada qaadi doonta Agaasimaha NISA, C/rashiid Janan iyo saraakiisha kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON