Thursday, June 26, 2025

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo ku geeriyooday Shil ka dhacay Gobolka Mudug

Shil gaari oo caawa ka dhacay  inta u dhaxeysa degaanka Saddex Higlo iyo Bandiiradley ee Gobolka Mudug ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen Wasiiru Dowleyaal ka tirsan maamulka Galmudug.

Labada wasiir ka sokow waxaa kaloo shilka ku dhintay  oday Dhaqameed iyo mid kamida ilaalada wasiirada, Galmudug ka mid yahay.

Wasiiru dowleyaasha shilkan ku dhintay waxay kala yihiin: Wasiir Dowlihii Howlaha  Guud ee Galmudug Aweys Cali Saciid iyo Wasiir Dowlihii  Wasaaradda Maaliyada Galmudug C/ladiif Baashe Magan.

Waxaa kaloo shilka ku dhintay Nabadoon C/llaahi Guuleed Axmed Digsi oo ka mid ah Waxgaradka Galmudug iyo Askari Ilaalo u ahaa Wasiiradda Geeriyooday. Nabadoonka ayaa ku dhaawacmay shilka, wuxuuna markii dambe u geeriyooday dhaawacaasi.

Labada wasiir ayaa Gaalkacyo u joogay arrimo ku saabsan ololaha doorashada 2016, waxayna kasoo baxeen Gaalkacyo iyadoo ku socday Magaalada Cadaado.

Meydkooda ayaa dadka degaanka Saddex Higlo ay urriyeen, waxaana la filayaa in dib loogu  celiyo Magaalada Gaalkacyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON