Sunday, July 13, 2025

Wasiiro ka tirsan Puntland oo laga helay Cudurka Coronavirus & Qof u dhintay…

War kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa caawa lagu shaaciyey kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah, kuwaasoo laga helay degaanada Puntland.

Wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Farax Xasan ayaa sheegay in maanta oo ah 7-da May 2020 la baaray dad gaaraya 22 qof oo cudurka Coronavirus laga helay 8 qof, iyadoo qof ku jiray karaantiilka Garowe uu cudurka u dhintay.

Wasiirka ayaa caddeeyay in laba Xubnood oo ka mida Golaha wasiiradda Puntland laga helay cudurka Covid-19, iyadoo dadka cudurka laga helay ay kala joogaan Garowe, Gaalkacyo iyo Qardho.

Wasiirada cudurka laga helay oo aan la shaacin ayaa la sheegay inay is karaantiileen, waxaana lasoo weriyey in dad badan oo lagu arkay calaamadaha cudurka Coronavirus ay ku dhinteen magaalada Boosaaso.

Dadka guud dadka caqaba cudurka Covid-19 ee degaanada Puntland ayaa gaaray 59 qof; waxaana u dhintay 2 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON